• calanka somaliland
  • halkan kadaawo

    • 1,416 hits
  • ka daawo www.ceergaabo.net.tc

    halkan waxaad ka helaysaa dhamaan adeegyada loogu talagay bulshada dhecdeeda
  • telesom

    telesom

    telesom

  • buurta daalo

    buurta daalo

    buurta daalo

  • bisha cas ee magaalada ceergaabo

    bisha cas ee magaalada ceergaabo

    http://www.ceerigaabonews.com/sawiro/sawirada_waaweyn/2_2.jpg

  • guriga boqorka magaalada cerigaabo

  • laamay

  • somalia

Baaq ay soo saareen odayaal dhaqameedka deegaanka Haylaan oo ku aadan colaada ka aloosan degmada Galgala ee gobolka Bari

Image

Baaq ay soo saareen odayaal dhaqameedka deegaanka Haylaan oo ku aadan colaada ka aloosan degmada Galgala ee gobolka Bari

 

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay August, 20, 2010 kusoo gabagaboobey magaala madaxda gobolka Heylaan ee Dhahar shirar maalmahanba u socday dhamaan cuqaasha iyo waxgaradka gobollada Haylaan iyo Galbeedka Bari, waxaana laga wada hadlay xaalada deegaanka oo ay ugu horeyso arinta beryahanba ka taagnayd deegaanka Galgala.

Hadaba markay arkeen odayaasha iyo waxgaradka deegaanada Haylaan iyo Galbeed Bari dhibaatada lagu hayo dadka iyo deegaanka Galbeedka Bari,  markii ay arkeen  dagaalka qaawan uu maamulka Puntland ku qaaday dhulkaa islamarkaana ay abuureen dacaayad ka dhan ah deegaanka iyagoo ku eedeeyey argagixisanimo, isla markaana ay ku gacansayreen odayaashii isu xilsaaray inay arintan wada hadal ku dhameeyaan

Dagaalkan oo uu ka dhashay barakac dad shacab ah, dhul iyo beero lagubey iyagoo ay dadka ku dhaqan deegaanka galbeedka Bari ahaayeen beeralay iyo xijiyeysato, sidoo kale waxaa jirta bililiqo loo geystey deegaanka oo ay dowladu tiri waan soo celineynaa hantida la bililiqeystey oo aan ilaa iyo haatan waxba la soo celin. Dhibaatadan ayaa waxaa ugu weyn barakaca ay dhalisey oo ilaa hada yaacsan gobolada Haylaan,Sanaag  iyo Bari.

Hadaba odaayasha  iyo  waxgaradka shirkan soconaayay shanta maalmood waxay soo saareen go�aamadan hoos ku qoran:

1)      In si degdeg ah ay maamulka Puntland ciidankooda ugala soo baxaan deegaanka ay mar la�aanta ku galeen ee galbeedka gobolka Bari, gaar ahaan deegaanka Galgala iyo tuulooyinka ku dhow;

2)      In arinta loo daayo odayaasha beesha ay iyagu kalsooni ku qaba in ay xal nabad ah keeni karaan;

3)      Waxaanu ugu baaqaynaa waxgaradka Puntland iyo mujtamaca Soomaaliyeed oo dhan in ay arintan soo dhexgalaan oo ay ka hortagaan colaad sokeeye ka dhacda gobolka taas oo cid walba saameyn karta;

4)      Waxaan ka digaynaa hadii baaqa odayaasha iyo waxgaradka aan la tixgelin ay arintani wajiya kale yeelan doonto sida ugu dhaqsaha badan, wixii cawaaqib xumo ka dhalata arintaa iyo masuuliyeedeeda qaadayaan maamulka Puntland gaar ahaan madaxda sare ee maamulka.

Baqaana waxaa saxiisay waxgaradka iyo odayaasha kala ah:

 

    1. Nabadoon Cabdi Cali Faarax

    1. Nabadon Saxardiid Cali Cumar (Dhawaaq)

    1. Nabadon Mahdi Daahir Aadan

    1. Nabadon Saleebaan Siciid Xaaji

    1. Nabadon Cisman Maxamed Maxamud

    1. Nabadoon Guray C/laahi Maxamed Xassan

    1. Caaqil Cali Kilwe Cismaan

    1. Caaqil C/laahi Khaalid Cismaan

    1. Dr. Garas Yuusuf Shire

    1. Aqoonyahan Cabdi Xaaji Maxamed

    1. Aqon. Bashiir Faarax Maxamud

    1. Aqon.Maxamud Yusuf Maxamed

    1. Aq.Yasin Jaamac Maxamed

    1. Aqon.Maxamed Salaad Faarax

    1. Maxamed C/laahi Faarax

    1. Aqon. Maxamud Maxamed Daad

    1. Eng Maxamed Cise Yusuf

    1. Aqon. Jaamac  Maxamud Gabayre

    1. Eng. Guray Cisman Samatar

    1. Guurti Dibad Faarax Maxamed

    1. Guurti Nuur Maxamed Saalax

    1. Guurti Jaamac Faarax Aadan

    1. Aqon. khaalid Cise Siciid

    1. Guurti Mursal Maxamed Cartan

    1. Guurti Cumar Cartan Faarax

    1. Guurti Axmed C/laahi Faarax

    1. Dr. Jaamac Caynab Jaamac

    1. Prof. Abshir Cabdi Mataan

    1. Guurti Cabdi Faarax Cartan

  1. Aqon. Maxamed Siciid Nadaam

Nabadoon Cabdiqadir (Guray) Cabdillahi
                                             cegaabo.wodpress/ mahamed ali abokor

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: