• calanka somaliland
  • halkan kadaawo

    • 1,416 hits
  • ka daawo www.ceergaabo.net.tc

    halkan waxaad ka helaysaa dhamaan adeegyada loogu talagay bulshada dhecdeeda
  • telesom

    telesom

    telesom

  • buurta daalo

    buurta daalo

    buurta daalo

  • bisha cas ee magaalada ceergaabo

    bisha cas ee magaalada ceergaabo

    http://www.ceerigaabonews.com/sawiro/sawirada_waaweyn/2_2.jpg

  • guriga boqorka magaalada cerigaabo

  • laamay

  • somalia

QORAAL U AADAN SARAAKIISHA KA SOO JEEDA GOBOLADA HAYLAAN, SANAAG IYO G/BARI.

Image

dad kii hore waxey reebi jireen taariikh iyo maah maahyo waxaa dhacday maalin maalmaha kamida  beel meel naq ah degan oo cosob iyo biyaba haysta ayaa duqii beesha hogaanka u ahaa, oo ahaa nin aad u xoola badan una lexejecla badan beeshuna ka danbayso sida la’ogyahay dad ka reer guuraaga ah waa ogyihiin meeshii naqleh, duqii beesha subax ayuu awrtii hoosta caynka ka sudhay.

sii akhriso

Dad kii oo yaaban war odaygii xagee reerkii u hayaanshey
wax lays weydiiyaba wuu dareeriyey ayaama kadib beeshii hadii lays waraystay waxaa la garan waayey meesha uu
u hayaamiyey, wallee ninkii xoolaha jeclaa cidla uma hayaamin waxaa laga daba diray sadex nin oo layidhi bal halkuu reerkii dejiyey waxey raadshaanba waxey ku soo baxeen reer kii oo meel abaara oo aan cawsna lahayn lagu furay hadii hadala  la’is weydaar sadey oo weydii yeen waxa dhigay meeshan abaarta ah wuxuu ugu jawaabey ma meeshan
nin lexejecla xun ma igu ogaydeen? maya  nimca aan idiin muuqan baa halkan ku jirta nimankii hadii beeshii lagu laabtay
nin wuxuu ahaa nin caqli badan laakiin beeshu liido
beeshii oo labadii kale dhegaha u taageysa ayaa la weydiiyey
duqii beesha halkuu reer kii ku furay.


Labadii nin waxey isku raaceen in beeluhu caawa guuraan
waayo meesha nimaca qarsoon oo indhahayagu aaney qaban buu ku haystey, nin baa yiri laba waxba waan eegay dhogortii adhiga iyo araga ka muuqdey reerka waxaa ka muu qanayey jiilaal xun weligaa barwaaqa ma sheegto baa loogu jawaabey
hidii cidihii guureen muda dabadeed meeshii oo weli barwaaqa ah ninkii oo keliya uu ku haray ayey soo laabteen dadkii oo
cayroobey markey rayskii cagaha soo dhigeen ayaa ninkii oo weli barwaaqadii ku jira yidhi berri waa dhawrto shirna waa jiraa ee halaysu yimaado duqii beesha hogaamin jirey
faraha wax uguma jiraan hase ahaatee waa wax uu ugu tala galay.


Haddii laysu yimi ninkii naqa ku haray baa hadalay tolow barwaaqadan ma guuraanka ah oo ilaa hay ina siiyey
dad baa duulaan ku soo ah oo raba in ey dab suraan waxaan u baahanahay talo iyo tusaale iyo cudud waxaa hadalkii la siiyey duqii beesha oo laga filayo cudud iyo caqli duqii wuxuu ka tegey maah maah dan/maalintaan maalka hayey tala mahayn maantoo aan talo hayona maal mahayo waa nasiib daro haysata gobolada Sanaag, Haylaan iyo Bari.
…………………………………………………………………………………………………
Cigaal shiidaad muxuu yidhi qoraygii uu habeen nimada arkay
nin yohow mawaxaan kumoodey mise waxaad noqotay,
waxaan kumoodaayey nin dalkiisa iyo dad kiisa u danaynaya
waxaadse noqotay nin cadaw dabada ku wata waxaanse loo noqon doonin ilka jiir danbe waxaa nasiib dara ah nin kii shalay reer Sanaag naf iyo maalba u hureen siuu uga samata bixiyo dhibaatooyinka iyo hogaan la’aanta ku habsatey mudada dheer goboladaas, ninkii lalahaa dhulka iyo shacabka maanta guul buu u soo hoynayaa in uu maanta isagu dhulka la gooyo dadkii shalay ku soo dhoweynayey caleemaha qoyan fardo iyo ciidan gaashaaman ilaa iyo cuqaal loo wada istaagey mashxaradii, dumarka ma oo hinbey ku danbaysay waa nasiib dara weyn.


Ilkajiir haduu dadkii ilaawey dalkiina ma ilaawey sidoo kale
Cabdi jamaal oo isna furinta ah markuu dhuxul joojinta ku dagaalamayey uma uu dagaalameyn miyaa dalkiisa iyo dadkiisa maxaa maanta kalifey in uu Cabdi garabkii sii dumiyo miyuu walaal kay ilaawey raggii shalay difaacayey naftiisa iyo maalkiisa markuu Cade Muuse rabey in uu isaga iyo gurigiisa isku malaaso ey tolkii qaar naftoodii halkaa ku waayeen walaal kay miyuu ilaa wey axdiga majeerteen.


Walaal kay niyadiisa maka shaqaysiiyey haduu ka shaqaysiiyeyse ma waxaa uga soo baxday in uu tolkii laayo oo maamul majeerteen doorto sidoo kale waxaa furinta ah Siciid Daahir Qodax hadii calmadow saraakiisheedii dumineyso iyo aqoon yahankeedii kii aan aqoon lahayn muxuu ku gaaraa.
waa nasiib dara hor leh oo usoo hoyatay gobolka Goboladaas,
Siciid oo aan ku tirinaayey aqoon yahan sare isla markaana
khibrad weyn uleh dadka reer galgala iyo sida ey ugu soo tabceen beeraha maanta dabka laqabadsiiyey dhirta aadka u da’da dheer, sida timirta canbaha babayga liin banbeelada iyo kuwa badan dhirtaas oo bixi doodu qaadato waqti dheer ayaa maanta dadkii mudada dheer guranaayey khayr key usoo dhabar aday geen wexey ku noqotay in sabool nimo ey ka soo dagaalameen gadaal loogu celiyo muda dheer hadaba
waa kuma ninkii la rabey in uu ka digo dhibaata loo geysto
shacabka galgala iyo guud ahaan gobolka Goboladaa?????????????????????????.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: