• calanka somaliland
  • halkan kadaawo

    • 1,416 hits
  • ka daawo www.ceergaabo.net.tc

    halkan waxaad ka helaysaa dhamaan adeegyada loogu talagay bulshada dhecdeeda
  • telesom

    telesom

    telesom

  • buurta daalo

    buurta daalo

    buurta daalo

  • bisha cas ee magaalada ceergaabo

    bisha cas ee magaalada ceergaabo

    http://www.ceerigaabonews.com/sawiro/sawirada_waaweyn/2_2.jpg

  • guriga boqorka magaalada cerigaabo

  • laamay

  • somalia

BEESHA NUUX CUMAR OO SULDAAN CUSUB KU CAANA SHUBTAY magaalada yubbe+sawiro

Image

Beesha Nuux Cumar ayaa Magaalada Yube ee G/Gobolka Sanaag waxay ku Cunaa shubeen Suldaan Cusub iyo Jiif Caaqil,Axmed Bashiir Ducaale waa Suldaanka Guud ee beesha Nuux cumar Waxaana Cuna Shubka Suldaanka ku-Xigey Jiif caaqilka Guud ee Beesha Nuux Cumar oo isana lugu caana Shubay Cige Jaamac Shire Ducaale,oo Si guud ay isugu waafaqday beesha Nuux Cumar oo ka Mida Beelaha Waqooyi Galbeed ee Gobolka Sanaag.

Ceelma Saarkan ayaa u dhacday si Hanaan ah Mana Jirin wax madmadow ah iyadoo goobta Caleema Saarku uu ka dhacay ay ka soo qaybgaleen Saladiinta Gobolka Sanaag qaarkood oo uu ka dhex Muuqdo Ugaas Maakhiri iyo Waxgarad kale oo goobta Joogeta joogey,Ururada Haweenka iyo Guud ahaan intooda badan ee Caaqilada beesha Warsangeli.

Shacabka reer Yube iyo Caaqilada Gobolka Sanaag ayaa canashubkan ka dib ugu ducayey Madasha caleema Saarku kadhacay waxayna ilaahay uga baryeen inuu khayr barwaaqo siiyo,hana la garabgalo howshan mihiimka ah ee loo calaama saaray.

Suldaanka Lagu Caana Shubay waxa dhalay Alla Janadii haka waraabiyee Nabadoon Caan ka ahaa G/Sanaag Nabadoon Bashiir Ducaale kaasi oo lagu Yaqaanay inuu ahaa Nin Nabada ka shaqeeya isla markaana Inta badan Deegaankaasi Aad looga Tix Galiyo.

Suldaanka Cusub Suldaan Axmed Suldaan Bashiir Suldaan Ducaale ayaa ah Nin Aqoonyahan ah oo mudo UN-ka la soo Shaqeeyay isla markaana Wuxuu Markii danbe u weecday dhanka Ganacsiga oo uu ku Danbeeyay.

Caalma Saarka Suldaanka Beesha Garab Sare ee Nuux Cumar iyo Hinjiye waxa soo Dhaweeyay Guud ahaan beelaha G/Sanaag sidoo kale Qurba Joog Nala soo xidhiidhay ayaa Hambalyo u Dirtay Beesha Suldaanka Cusub Dooratay.

Suldaanka Cusub waxa Hor Yaala Bohol Waa Wayn oo la Doonayo inuu ka Guulaysto inuu ka Gudbo Waxa Khatar haasi ka mid ah Siyaasadaha Hareeraha ee G/Sanaag sida Puntland iyo Somaliland oo Isimadii Hore ee G/Sanaag lagu Yaqaanay inay Had Jeer Boqodaan Maamulada Hareeraha.

Sidoo kale waxa ka mid ah inuu ka shaqeeyo Nabada isla markaana Booqdo Degmooyinka kale ee G/Sanaag si Loogala Shaqeeyo Horumarka iyo Cadaalada loo Doortay Suldaankaasi.

Image

Image

Image

Image

wixii warar dheerad ah waa idinla soosocodsiinaynaaaaaaa

mahamed ali abokor Erigaavo

Emaiil:abokor101@gmail.com/hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: