• calanka somaliland
  • halkan kadaawo

    • 1,416 hits
  • ka daawo www.ceergaabo.net.tc

    halkan waxaad ka helaysaa dhamaan adeegyada loogu talagay bulshada dhecdeeda
  • telesom

    telesom

    telesom

  • buurta daalo

    buurta daalo

    buurta daalo

  • bisha cas ee magaalada ceergaabo

    bisha cas ee magaalada ceergaabo

    http://www.ceerigaabonews.com/sawiro/sawirada_waaweyn/2_2.jpg

  • guriga boqorka magaalada cerigaabo

  • laamay

  • somalia

dhaqdhaqaaqii ugu danbeeyey ee degmada yubbe iyo suldaan koor oo gaadhay.

Image

dhowaan ayey ahayd markii ay ka baxeen magaalada ceergaabo suldaankii hore ee lagu caleemo saaray magaalada ceergaabo sanadkii inadhaafay dabayaaqadiisii iyo wefti uu hogaaminayo magaalada ceergaabo iyaga oo ku sii jeeda magaalada yubbe iyo gebi ahaanba deegaanka bariga sanaag, waxaana markii ugu horaysey lagu soo dhoweeyey degmada yubbe oo ah degmada uu ka soo jeedo suldaanku iyada oo ay ku soo dhoweeyeen halkaas bulshada qaybaheeda kala duwan oo uu hogaaminayo maayirka magaalada degmada yubbe (ibraahin maxamed xasan).

waxaana uu suldaanku ugu waramay warfidiyeenka saxaafadda geedka nabada ee badanaa lagu qabto shirarka bulshada looga arimiyo ee ku yaal dooxada hadhaca ah ee yubbe. isaga oo ku micneeyey socdaalkiisa u kuur gelidda xaalada mandaqadda bariga sanaag khaasatan degaanka yubbe.

haseyeeshee wararka hoose ayaa waxaa ay sheegayaan inuu suldaanku u tegay deegaankaasi inuu qaybtiisa ka qaato saaxadda siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay deegaankaasi.

maadaama ay jirto in beesha qaybo ka mid ah ay shirar uga socdeen degmada yubbe halkaas oo lagaga arrinsanayey sidii loo samayn lahaa suldaan iyo nabadoon ay ku tilmaameen in loo dhan yahay maadaama aysan iyagu taageersanayn suldaan cabdullaahi cabdi koor iyo weliba jiif caaqil siciid farax xasan oo isagana dhowaan sanadkii tegey lagu caleemo saaray magaalada ceergaabo.

suldaan cabdulaahi cabdi koor oo maalmahaan dambe oo dhan saxaafadda si aada uga dhex muuqday ayaa waxay ku tilmaameen qaar ka mid ah dadka deegaanku inay tahay ismuujin uu muujinayo difaacayona suldaanimadiisa,

si kastaba ha ahaatee waxaa ayaamahan dambe degmada yubbe ay la ciirciiraysay umad aad u tira badan oo lagu tilmaamay inaan weligeed degmada yubbe dad intan tira leeg isugu iman waxaana muuqanayey saxaafada oo xooko u wada socda.

waxaa hadaba halkaas iyaguna sidaa si la mid ah  ka waday suldaanka cusub (suldaan axmed bashiir ducaale) oo ah wiilka uu dhalay alla ha u naxariistee nabadoonkii hore beesha nuux cumar (bashiir ducaale cabdi) oo hadaba isagu u taagan xiligan inuu noqdo gebi ahaanba suldaanka beesha garab sare, inkastoo la sheegayo inay ka biyo diideen hinjiye oo ah iyagu qolada ku labaysa nuux cumar garab sarenimada  sheegayna inaan hinjiye iyo nuux cumar muddo dheer wax isugu jirin.

waxaana weheliya suldaan axmed bashiir nabadoonka nabadoonka cusub ee isaguna u taagan inuu noqdo nabadoonka guud ee beesha nuux cumar (cige jaamac shire nuux cumar,

iyada oo ay bulshada qaarkeed iyo taageerada suldaan koor iyo siciid farax  ku tilmaameen  in nabadoon cige iyo suldaan axmed bashiir meesha lagaga saarayo waa labada cusube suldaankii hore ee koor iyo nabadoonkii hore ee siciid faarax oo ayna weligood aq balayn warkaas.

si kastaba ha ahaatee mandaqadaas beesha degta ee nuux cumar ayaa xiligan waxaa u arimiya ayna u kala qaybsan yihiin 4 isim laba nabadoon iyo laba suldaan oo aan midna midka kale ictiraafsanayn xaaladuna u muuqato ninba taagtii ha talaabsado!!!

ugu dambayntii suldaanka cusub iyo nabadoonka cusub ayaa ee kala ah (suldaan axmed bashiir ducaale iyo nabadoon cige jaamac shire) ayaa waxaa lagu caleemo saaray degmadaas khaasatan deegaanka farjano oo 3km woqooyi ka xigta degmada yubbe iyada oo ay ka soo qayb galeen caleemo saarkaas sulaadiin iyo isimo caanka ah gebi ahaanba gobolka sanaag.

wararka aan ka helayno iyaguna maamulka soomaaliland ayaa waxaa ay sheegayaan inay taageersan yihiin suldaankii iyo nabadoonkii hore ayna waxba kala socon wararkan dambe ee ka soo cusboonaaday deegaankaas sida uu sheegay weliba maayir ismaaciilka magaalada ceergaabo, waxaana la sugayaa dhowaan inay si is daba joog ah ugu ambaxaan magaalo madaxda gobolka sanaag ee ceergaabo iyada oo qolo walba taageeradeedu ku gayso halkaas,

Image

posted by:: farhan mohamed ismail and mahomed ali abokor

Email:farxaan620@hotmail.com 

looge999@hotmail.com and 

email.abokor101@hotmail.com

abokor101@gmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: